Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble: Xildhibaan Aamina waxa loo dilay si aysan u guulaysan caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil

Recommended Posts

Deeq A.   
Rooble.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Qaraxyadii saacadihii u danbeeyay ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne ay yihiin kuwa abaabulan oo xiriirsan, islamarkaana lagu carqaladaynayo doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday aagga xerada Afisyooni ee u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo qaraxii Baladweyne ee  xalay lagu dilay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ay yihiin kuwo isku xiran oo abaabulan, marka la eego goobaha la beegsaday, shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday iyo xilliga lagu soo aaddiyay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in falalka fulaynimo ee noocan ahi aysan marnaba ka horjoogsan doonin xaqiijinta in ay dalka ka dhacdo doorasho sida ugu dhaqsiyaha badan, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ku boorrinayaa feejignaan dheeri ah iyo in ay gacan ku siiyaan hirgelinta doorashada iyo in dalku yeesho hoggaan cusub oo ka samata bixiya xaaladda adag ee amni, siyaasad, dhaqaale iyo bani’aadminimo” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee Xildhibaan, Aamina Maxamed Cabdi ay door ku lahayd caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahliil, sidaas darteedna maalmo ka hor la isku dayay in la boobo Kursigeeda Golaha Shacabka, kadibna xalay qarax lagu dilay, si aan caddaaladdu u guuleysan, loona niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta.

Xildhibaan Aamino oo la wada ogyahay doorkeedii caddaalad u raadinta marxuumad Ikraan Tahaliil, maalmo ka horna la isku dayay in kursigii ay u tartameysay la boobo, waxaa caawa loo dilay si aan caddaaladdu u guuleysan iyo in la niyad jabiyo cid kasta oo xaqa ku fara adeygta”

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay in doorashada dalku ku soo gabagebowda sida ugu dhaqsaha badan, isla markaana lala xisaabtamo oo caddaaladda la horkeeno dambiileyaasha nooc kasta oo ay yihiin goor ay noqotaba, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay u garab taagan yihiin caddaaladda iyo dowladnimada.

PUNTLAND POST

The post Rooble: Xildhibaan Aamina waxa loo dilay si aysan u guulaysan caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this