Deeq A. Posted March 23, 2022 Allah unaxariistee waxaa caawa magaalada Baladweyne ku geeriyootay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo ka tirsaneyd Baarlamaankii 10-aad ee Jamhuuriyadda federal Soomaaliya , kadib qaraxyo kadhacay magaalada. Xildhibaanadda ayaa geeriyootay, kadib markii ruux naftii hure ah oo watay walxaha qarxa uu isku qarxiyey iyada iyo ilaalo la socotay, meel aan ka fogeyn xerada Lamagalaay oo ay ka socotay doorashada golaha shacabka. Xildhibaan Aamina ayaa waxaa ay maalmihii tagay kamid aheyd dad u dooday sidii ay cadaalad u heli laheyd marxuumad Ikraan Tahliil Faarax oo ku maqan gacanta Hey’adda sirdoonka NISA sida ay sheegeen ehelkeeda. Geerida xildhibaannadda ayaa waxaa ka tacsiyeey xildhibaanno kala tirsanaa Baarlamaankii 10-aad, xildhibaan Aamina ayaa waxaa ay maalmahaan ku sugneyd magaalada Baladweyne oo ay deegaan dooshadeedy ay tahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites