Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax ka dhacay Beledweyne oo caawa ay doorasho ka socoto

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo caawa ay ka socoto doorashada kursiga HOP#011, waxaa hadda ka dhacay qarax xoog leh, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Xubno ku sugan hoolka ay doorashadu ka socoto ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxu uu ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada HirShabeelle ee Beledweyne.

Maanta ilaa caawa Beledweyne waxaa ka socota doorasho adag oo ka duwan kuwii hore waxaana gabal-dhicii magaaladaas lagu doortay Cabdirisaaq Cabdullahi oo ku guuleystay kursiga HOP063 oo horay Cabdullahi Goodax Barre uu ugu fadhiyey.

Qaraxaan caawa Beledweyne ka dhacay wuxuu ku soo aaday xilli aad loo adkeeyey ammaanka magaalada oo doorasho adag ay ka socoto.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online

The post DEG DEG: Qarax ka dhacay Beledweyne oo caawa ay doorasho ka socoto appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this