Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xukuumadda Somaliland Waxaa La Gudboon Inay Samayso Qorshayaal Lagaga Faa’iidaysanayo Roobabka Aynnu Sannadkii Helno…” Xirsi Cali Xaaji Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta waxay ku beegnayd maalinta xuska biyaha ee adduunka (World Water Day). Biyuhu waa tiir ka mid ah yoolasha la doonayo in  horumar waara  laga gaadho sannadka 2030 (Sustainable development goals 2030), hase yeeshee innagu -haddii aynu Somaliland nahay, sannadkan waxa uu maalinka biyuha adduunku inoo soo galay inanga oo ku sugan xaalad biyo yaraaneed, miyi iyo magaalaba.

Dadkeennii miyiga waxa saamaysay abaar baahsan, halka caasimaaddiina aanay ilaa hadda helin biyo ku filan. Qof kasta waxaan u soo jeedinayaa inuu si joogto ah u xasuusto arrinkan oo abaaraha iyo biyo-dhaamiska kaga qayb qaato waxa uu awoodo.

In kasta oo aynnu sannadkii helno xaddi roobeed aad u badan, haddana nasiibdarro kama faa’iidaysanno. Xukuumadda Somaliland waxaa la gudboon inay samayso qorshayaal lagaga faa’iidaysanayo roobabka aynnu sannadkii helno. Haddii aynnu ka faa’iidaysano biyaha aynnu helno xilli-roobaadka, waxaynnu xal u heli doonnaa abaaraha innagu soo noqnoqda, sidoo kalena waxaynnu horumarin karnaa beeraheenna oo imminka ku tiirsan roobka iyo raxmaadka Eebbe.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this