Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Iska Diiday Codsi Uga Yimi Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa iska diiday dalab Mareykanka uga yimid oo haa in meesha looga saaro adeegsiga hubka nukliyeerka inta lagu jiro dagaalka Ukraine. Pentagon-ka Mareykanka ayaa diidmadan Ruushka cambaareeyay, wuxuuna ku tilmaamay tallaabadan Ruushka ay tahay mid khatarteeda u leh.

Dmitry Peskov oo ah afhayeenka Kremlin-ka ayaa u sheegay CNN in hubka noocaas ah la isticmaali karo haddii Ruushka uu la kulmo “khatar dibadda ah”. Ruushka ayaa leh kaydka ugu badan ee madaxyada nukliyeerka.

Afhayeenka Waaxda Difaaca John Kirby ayaa sheegay in hadalada Nukliyeerka ee Moscow ay yihiin kuwo “khatar” ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this