Sign in to follow this  
Deeq A.

Siraha ku gedaaman Askarta Kenya ee Soomaaliya joogta

Recommended Posts

Deeq A.   

Siraha ku gedaaman Askarta Kenya ee Soomaaliya joogta

Aaska askariga Kenya ee lagu dilay Soomaaliya
Aaska askariga Kenya ee lagu dilay Soomaaliya

Sida uu ku waramayo weriyaha BBC-da Immanuel Igunza , sir iyo hubanti la’aan badan ayaa ku gadaaman askarta Kenya ee ku dhimatay hawlgalada Soomaaliya.

Johnson Ole Kiyaipi ayaa ugu dambeeyay askarta Kenya ee Soomaaliya, kadib markii lagu dilay qarax miino oo wadada dhinaceeda loo dhigay, waxaana dhowaan la aasay isaga oo xiran dareeskiisii ciidanka oo dhamaystiran.

Balse arrinta jirta ayaa ah in ciidanka iyo dowlada Kenya midkoodna aysan xitaa sheegin geeridiisa, iskaba dhaaf sababta uu u dhintaye.

Askarigan 35 jirka ah iyo 9 kale oo la socotay oo la dilay todobaadkii hore ayaa soo cusboonaysiiyay baaqyada ah in Kenya ay ciidamada kasoo saarto Soomaaliya.

Juuq la’aata dowladda ayaa welwel badan ku abuurtay qoyska askarigan oo ku nool magaalada Kilgoris, ee koonfur galbeed Kenya. „Meeqa qof oo wiilasheena ka mid ah ayay tahay in ay dhintaan ka hor inta aanan dalka lagu soo celin” ayuu is weeydiiyay Dr Joel Ole Kiyiapi oo la dhashay askariga.

Maalmihii dhowaa, Alshabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka geysanayaan gudaha Soomaaliya iyo Kenyaba.

Goobtii uu ka dhacayay aaska, dadkii ka hadlay dhammaantood waxa ay sheegeen in qof ka mid ah qoyskooda uu ku dhintay hawlgalka Linda Nchi loo bixiyay ee ee biloowday 11 sano ka hor.

Maxaa loo qarinayaa dadka dhintay?

„Haddii Maraykanka uu ciidamadiisa ka saaray Soomaaliya, anaga maxaan ka qabanaynaa halkaasi” ayuu is weeydiiyay mid ka mid ah dadkii aaska yimid

Qoysaska intooda badan waxa ay aad uga xunyihiin sababta dowladda uga aamusantahay askarta dhimatay, waxayna u arkaan xushmad darro.

Dowladda ma aysan sharixin sababta ay uga aamusantahay dhimashada askarta.

Qiyaasaha hadda jira waxa ay muujinayaan in boqolaal askar Kenya lagaga diley Soomaaliya, iyada oo weerarkii Ceel Cadde ee 2016-kii oo keliya Kenya lagaga dilay ugu yaraan 200 askari.

Taalada loo dhisay askartii Kenya ee Soomaaliya ku dhimatay
Taalada loo dhisay askartii Kenya ee Soomaaliya ku dhimatay

Meelo ka mid ah dalka Kenya waxaa ku yaala taallooyin lagu xusuusanayo askartii dhimatay, oo xitaa magacyadooda ku yaalaan, balse ma ahan meel dadweynaha tagi karaan ama arki karaan.

Todobaadkii hore dadka isticmaala baraha bulshada ayaa carro xoog leh ka muujiyay markii dowladda Maraykanka ay u tacsiyaysay, islamarkaasna xustay seddex askari oo Kenyan ah oo Soomaaliya lagu dilay, halka dowladda Kenya aysan ka hadlin.

Taallooyinka oo uu xariga ka jaray madaxweyne Kenyatta ayaa ku dhex yaala xerooyinka ciidanka, waxaana ku sawiran kabaha, qoriga iyo koofiyadda ciidanka.

Waxaa sidoo kale ku xardhan magacyada askartii lagu dilay Soomaaliya, waxaana suurtogal ah in lagu daro magaca Johnson ole Kiyaipi oo ahaa kii ugu dambeeyay ee la aasay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this