Sign in to follow this  
Deeq A.

Tirada Ciidamada Ruushka ah ee ku dhintay  dagaalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Tirada Ciidamada Ruushka ah ee ku dhintay  dagaalka Ukraine

48e4631d-7a27-464c-9e30-07726b194870.jpg

Tirada 10,000 oo askari oo Ruush ah, ayaa lagu diley dagaalka Ukraine, waa qiyaas maangal ah, sida uu sheegay sargaal Reer Galbeed ah.

Tirada waxey si kooban uga soo muuqatey barta uu Kremlin-ka ku leeyahay Internet-ka, laga yaabee iney tani dhacdey kadib markii la jabsadey, kahor inta aan si degdeg ah loo tirtirin.

Sargaalkan ayaa sheegay in tiradan khasaaraha ah ay la macno tahay in 30 illaa iyo 40,000 oo kale oo katirsan ciidamada Ruushka la dhaawacey, ama ay si uun u itaal darnaadeen.

“Tani waa mid aad u muhiim ah, oo ku wajahan ciidamada Ruushka,” ayey yiraahdeen.

Laakiin waxey intaa ku dareen in Ruushku uu wali leeyahay “awood xoogan oo dagaal” uuna sii wadi karo colaada in mudda ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this