Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland: Axmed Maxamuud Jaamac oo loo xiray kursiga Hop#029

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya in Kursiga Golaha Shacabka Hop#029 ee Beesha Ciise Maxamuud loo xiray nin ka tirsan Madaxtooyada Jubaland.

Hop#029 oo laga soo doorto magaalada Kismaayo ayaa sida wararku sheegayaan loo xiray Axmed Maxamuud Jaamac oo ka tirsan Madaxtooyada Jubaland.

Doorashada kursigaas ayaa lagu wadaa in la qabto maalinta Isniinta ah ee Todobaadka soo socda oo ku beegan 21-ka bishaan March 2022.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa horay kursigaas ugu asteeyay jifida uu ka dhashay Duni Maxamed Guulato balse Madaxtooyada Jubaland ayaa hareer martay Saxiixa Suldaanka.

PUNTLAND POST

The post Jubaland: Axmed Maxamuud Jaamac oo loo xiray kursiga Hop#029 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this