Sign in to follow this  
Cawaale

Maanso ka hadlaysa Paltalk........

Recommended Posts

Cawaale   

Asalamu caleykum

 

Gabaygan ama maansadan ama sheekadan sidaad rabta dhehoo, waxa magaceeda la

yiraahdaa (LAYSU KEEN KEEN). Waxaa isku keen keenay gabayga, gabayaana ma ahi waa iska sheeko aniga oo, ah (Maxamed C/laahi Cali Tiriig). Waxaan soo saaray sanad ka hor habeen aniga oo ku samalaya baan maalintii markaan seexday maskaxdayda ku soo dhacday, oo meeshan aan ku waashay maan wax ka qoro. kabacdina waxay noqotay maansadan qosolka leh.

 

 

Run ahaantii cidna in aan aflagaado umaan sameen, waana ka ilaaliyey inaan dadka magacyadooda ku soo daro, waxaan isku dayay in aan ku koobnaado waxa ka socda paltalka dhexdiisa, ama inta laysyiraahdo marka lagu kaftamayo pal. Waakan gabeygii oo bilaawday.

 

 

Balan beena barasho aan jirin palow adigaa leh

Boqol luuq oo wada qafila palow adiga leh

Biwaaye wuu ibalamiyey hadana wuu baxay palow adigaa leh

 

Boqol kkkk iyo lool iyo waaw iyo weliba xuux oo dabataal palow adigaa leh

Baabka hadalka oo meel xunlaga bilaabo oo aan Bisin looqaban palow adiga leh

Boqol ciyaal ah oo afka baranbaro loogu burburshay oon bisika Karin palow...

 

Biximaayo miigana waa boobayaa palow adiga leh

Bils iyo barber wada qalfsan oon hadan is qaban palow adigaa leh

Bilyan qol oo midiba cayan yahaya palow adigaa leh

 

Tumasho iyo raaxo aadan ku raagin palow adiga aleh

Tuurmo(Bounce) iyo red wada socdaan talao lagaa waydiin palow adiga leh

Tuugmo iyo waan tamar darnahay oo hablaha taad la hadashaaba kugu

bariidinayso palow adiga leh

 

Jiidmo iyo dhifasho oon kala hadhay palow adigaa leh

Jiri iyo janaaleba meelay ku jamacaan palow adigaa leh

Jacayl taagan nacayab dabayaal palow adigaa leh

 

Dad aan is aqoon oo wada dooda sidii deriskii palow adiga leh

Danbi badan dacwo aan fulayn palow adigaa leh

Daacad oo dulmi lagu badalo palow adiga leh

 

Ruug cadaa soo rogaal ceshay meelu risiiq usoo raadsado palow adiga leh

Roobadiisan iyo ruuga xanuun meela ku dareento palow adiga leh

Raga iyo dumar wada qooqa oon hadan wada raaxaysan palow adiga leh

 

Salaada iyo sadaqada meel lagu seego palow adiga aleh

Samawadihii quraanka oo sahal laga yeelay palow adigaa leh

Samaan iyo xumaan wada socdaan sikin kal danbay palow adiga leh

 

Sagaashan jir iyo sagaal jir salgaal iyo tobankuloolama palow adiaa leh

Sirqawayan oo kursiga ku seexata palow adigaa leh

Seexan mayo suuq aadi mayo waa sootaagnaanayaa palow adigaa leh

 

Shaacir iyo shaqaaqoole meelay ku sheekaysaatan palow adigaa leh

Shar iyo khayr deers ah oo daabkoodu isgaaro palow adiga leh

Sheeydaanku meelu ka shaqaysto palow adiga leh

 

Gacan taagan mica an ladaynaya palow adigaa leh

Gacamo daala indhahoogota dhuuntoo qalasha palow adigaa leh

Gabadh iyo garooob isku dul caajisay palow adigaa leh

 

*** gun gob gabadh garoob geed ay ku wada sheekaystaan palow adigaa leh

Geesi iyo fulay meelay ku sin maan palow adigaa leh

Garoob gurigeedii soo gubtay meelay damac ka hesho palow adigaa leh

 

Fanan qaylinayo oo qol walbaba jooga palow adigaa leh

Farsamadii daday ka falaagowday oo hadan fariido isku haysta palow adiga leh

Faqiir aan xoola badan haysan oo hadan faan badan palow adigaa leh

 

Qayli oo qabyaaldan aan qumanayn hadaba qal ka sheeg palow adiga leh

Qaadka kii cunay iyo kii qumanaaba meelay qamuumayaan oo qalada kugu cayaayn palow adiga leh

Qosl badahn oo hadan qamuunyo daba taal palow adiga leh

 

Kaan dhacay kaan uleh kaanaa ka degay palow adigaa leh

Kaftan iyo camira wada socda palow adiga aleh

Ku aadan arkayan oo kaa daba qata oo kuna daaliya palow adiga leh

 

Malayuun magaca oo aad ku ceeqanaysid palow adigaa leh

Mac mac xabiibi iyo akh oowada socda palow adigaa leh

Meel aan dhiig lagu daadin hadan laysugu dhaarto Palow adigaa leh

 

Nin cimaada dheer oo kuu taliya palow adigaa leh

Naag kula talisa oo daadan diida palow adiga leh

Nuursi iyo naasha oo raga la tuso palow adiga leh

 

Waayeel lacaanto oo waleba cayloo gudaro palow adigaa leh

Waayeel iyo saqiir wada caytam palow adigaa leh

 

Wacdi aan lagu qushuucin isla qotomi palow adiga leh

Wadaad iyo walahaan aadan kala garan palow adiga leh

 

 

Hadal badan baahi badan baryo badan palow adiga aleh

Habro ciilan oo kii qabay qaad ka doortay oo adiga kugu qaysha palow adiga

leh

 

Aroos taagan caruus aan lagu caana maalin palow adiga leh

Araweelo gabadho aad ku mataasho meelay kugu xukumaan palow adiga leh

Abwaan yo man rap kule palow adigaleh

 

Oday dala dumarkoo dumarkoo ka carar palow adigaa leh

Oohin , calaacal iyo weliba cabasha wada socdaan oon cidin eegin palow

adigaa leh

Oo daashay oo hadashaye horta yaa ku maqlaayey dadkoo ku yiraahdo palow adiga leh

 

Waxaa qoray gabaygaan.....

 

Maxamed C/laahi Cali Tiriig

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this