Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ruushka oo burburiyay Qeybo ka mida Wershadda Nukliyeerka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Ruushka oo burburiyay Qeybo ka mida Wershadda Nukliyeerka Ukraine 368e68a9-ea51-472c-b025-7b85a58a4e93.jpg

Ciidamada Ruushka ayaa burburiyay xargihii korontada ee isku xirayay warshaddii hore ee Nukliyeerka ee Chernobyl iyo xarunta korontadda ee aaggaas, sida ay sheegtay shirkadda tamarta ee Ukraine.

Buburkan ayaa imaanaya xilli dhawaan dib loo soo celiyay adeegyadii korontada ee warshadda quwadda nukliyeerka Ukraine balse BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkan.

Shirkadda tamarta ee dowladda Ukraine kama aysan hadlin in gebi ahaanba warshadda Nukliyeerka uu ka maqan yahay korontada ama in kale.

Shirkadda maamusha adeegga korontada ayaa codsatay in injineerada loo ogolaado inay galaan goobta si ay qiimeyn ugu sameeyaan burburka.

Waqooyi galbeed magaalada Mariupol, Ruushka ayaa dhawaan qabsaday warshadda dhalisa quwadda korontada ee Zaporizhzhia. Marka ay warshaddaas shaqaynayso waxa ay soo saartaa ku dhawaad 20% korontada Ukraine, marka in Ruushka ay gacanta u gasho ayaa waxa ay ka dhigantahay inuu maamulayo quwad badan oo koronto oo ay Ukraine ay leedahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this