Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay DENI kala hadleen wafdigii maanta tegay magaalada Garoowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay, oo ay hogaamineyso ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Wafdiga uu qaabilay Saciid Deni ayaa waxaa kamid ahaa Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, ayada oo si gaar ah diirada loogu saaray doorashada Golaha Shacabka oo mareysa heer gaba-gabo ah.

Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay kulankaasi kadib, ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta uu qaabilay kulankooda diiradda ku saareyn ka gudbinta xaaladda kala guurka ee doorashooyinka.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u carabaabay in dhinacyada isla soo qaadeen muhiimada ay leedahay ilaalinta qoondada Haweenka, islamarkaana loo ilaalin lahaa.

“Kulan is-xog wareysi ah ayuu xoogiisa ahaa, waxyaabihii u badna ee ka wada-hadlnay waxay noqdeen waxyaabo aan runtii isla garaneyn. Waa uga mahad-celinayaa safarkaan qaatay waqtigii ugu haboona,” ayuu yiri.

Doorashada Golaha Shacabka oo dalka kasii socota ayaa lagu wada in lasoo gaba-gabeeyo 15-ka bishaan Maarso, kaasi oo ah waqtiga cusub ee ay u jaangoyeen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Tan iyo markii la bilaabay doorashada Golaha Shacabka illaa hadda ayaa waxaa la doortay Mudanayaasha 223 kursi, ayada oo la filayo in la qabto 2 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana harsan 50 kursi, xili ay labo maalmood ka harsan yihiin waqtigii lagu soo idleyn lahaa.
275749486_510941047054909_59868214591520 275849093_510941283721552_89991585227407 275445346_510941453721535_81475918882208 275636154_510941583721522_53486013195293 275476188_510941727054841_34774846386825 275615836_510941893721491_81511154575924 275607246_510942110388136_71966333739892 Deni.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 275483411_510942450388102_66227698605375 275526109_510942623721418_46978875607981 275565803_510942823721398_58492909722297 Dhabancad.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 275626536_510944083721272_81974258331261 275516941_510944203721260_29519645797649

The post Sawirro: Maxay DENI kala hadleen wafdigii maanta tegay magaalada Garoowe? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this