Sign in to follow this  
Deeq A.

Qunsuliyadda Mareykanka ee Ciraaq oo Gantaallo lagu weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciraaq (Caasimada Online) – Weerar gantaallo ah ayaa lagu qaaday Qunsuliyadda uu Mareykanka ku leeyahay magaalada Irbil oo ah caasimadda gobolka Kurdistan ee waqooyiga magaalada Ciraaq, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee dowladda dalkaas.

Dadka magaalada ayaa kusoo toosay qaraxyada ka dhashay gantaallada. Sawirro laga qaaday qaraxyada ayaa sidoo kale lagu shaaciyay baraha bulshada.

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Ciraaq ayaa Wakaaladda Wararka ee Associated Press u sheegay in ugu yaraan 6 gantaal lagu tuuray qunsuliyadda Mareyknaka ee Irbil.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa cambaareeyay weerarkan, isagoo sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo Mareykanka kasoo gaadhay waxa ka dhacay Ciraaq.

Dhowr iyo toban gantaal oo nooca ridda dheer ah, oo laga soo tuuray meel ka baxsan Ciraaq, ayaa ku dhacay magaalada, sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in uusan jirin wax khasare ah oo ka dhashay madaafiicdaas, hase yeeshee warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya halka laga soo tuuray.

Irbil waxaa ku yaalla sarumo ay leeyihiin Mareykanka ku sugan dalka Ciraaq. Sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in weerarkaas gantaallada ah uu ka yimid dhinaca waddanka Iiraan.

Mas’uulkan oo qariyay magaciisa ayaan bixinin wax faahfaahin ah oo intaas kasii badan. Ma jirto cid si deg deg ah u sheegatay mas’uuliyadda, mana jiraan warar rasmi ah oo xogta ku saabsan.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar cadho xooggan kiciyay” balse waxa uu sheegay in aan wax burbur ah loo geysanin xarumaha ay dowladda Mareykanka ku leedahay magaalada Irbil.

Telefishinka ku hadla afka dowladda Ciraaq ayaa soo xigtay saraakiil ka tirsan waaxda la dagaallanka argagixisada ee gobolka Kurdistan oo sheegaya in 12 gantaal oo laga soo tuuray dibadda ay ku dhaceen magaalada Irbil.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan sladhigga ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Irbil ayaa horay ula kulmay weerarro gantaallo ah iyo duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, kuwaasoo ay saraakiisha Mareykanka mas’uuliyaddooda ku eedeeyeen kooxo taabacsan dowladda Iiraan, hase ahaatee weerarrada noocan ah ma aysan dhicin in muddo ah.

BBC

The post Qunsuliyadda Mareykanka ee Ciraaq oo Gantaallo lagu weeraray appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this