Sign in to follow this  
AYOUB

Dawladda Hoose

Recommended Posts

AYOUB   

Dawladda Hoose

 

Ka darro dibi dhal, Nin dameer xun iibsaday

Marbuu dibi xarashaa, Degaanku sheeg

Ku waad dorateen, Iyagaa isu daran

Kii doraad koray, ka dag leeyihiin

Amba doolar keen, duulku waa aboor

Inana diirbaynu nahay, danbiga waynu

Wada qabnaa, dalka yaa u maqan

 

Ka daroo dibi dhal, duul reer ku yimi

Kula dardaraanteen, orod duunyo dhaqan

Beeshana daryeel, ninka doonaya

Inuu dal u dhisow, dugsiyadii bal eeg

Dumarkii iyo caruurtiibaa, dawo loo la’yahay

Duulku waa aboor, inana diir baynu nahay

Danbiga waan wada qabnaa

 

Ka daroo dibi dhal, dalka yaa u maqan

Dabaqadaa bal eeg, daarahay dhisteen

U kireysan duul, darajaalihii

Deegaan ka baqay, danyartay intaa

Ku dulmeerayaan, dahabow keen cashuur

Edomaad idayn, duul aabahood

Ladilanaahayaa, waa kaa dagaal

Dabada u qabtay, darbigii ka kici.

 

Saleebaan Guuleed (Digool)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this