AYOUB Posted December 14, 2004 Dawladda Hoose Ka darro dibi dhal, Nin dameer xun iibsaday Marbuu dibi xarashaa, Degaanku sheeg Ku waad dorateen, Iyagaa isu daran Kii doraad koray, ka dag leeyihiin Amba doolar keen, duulku waa aboor Inana diirbaynu nahay, danbiga waynu Wada qabnaa, dalka yaa u maqan Ka daroo dibi dhal, duul reer ku yimi Kula dardaraanteen, orod duunyo dhaqan Beeshana daryeel, ninka doonaya Inuu dal u dhisow, dugsiyadii bal eeg Dumarkii iyo caruurtiibaa, dawo loo la’yahay Duulku waa aboor, inana diir baynu nahay Danbiga waan wada qabnaa Ka daroo dibi dhal, dalka yaa u maqan Dabaqadaa bal eeg, daarahay dhisteen U kireysan duul, darajaalihii Deegaan ka baqay, danyartay intaa Ku dulmeerayaan, dahabow keen cashuur Edomaad idayn, duul aabahood Ladilanaahayaa, waa kaa dagaal Dabada u qabtay, darbigii ka kici. Saleebaan Guuleed (Digool) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Passion_4_Fashion Posted December 15, 2004 Gabay gaan xaalada hada jirta buu aad uuga hadlayaa....mahadsanid Ayoub sh Quote Share this post Link to post Share on other sites