Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka & Poland oo isku khilaafay Go’aan la xidhiidha Dagaalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka & Poland oo isku khilaafay Go’aan la xidhiidha Dagaalka Ukraine

Diyaaradaha dagaalka ee MiG-29
Diyaaradaha dagaalka ee MiG-29

Dowlaha Mareykanka iyo Poland ayaa si adag isugu khilaafsan fulinta codsi ay jeedisay dowladda Ukraine oo ku saabsan in loo geeyo diyaaradaha dagaalka ee noocoodu yahay MiG-29 – ee lagu sameeyay Ruushka.

Xukuumadda Warsaw ayaa oggolaatay in diyaaradahaas ay Ukraine usii mariso saldhigga militeriga Mareykanka ee ku yaalla Jarmalka, hase ahaatee Aqalka Cad ayaa ku gacan seyray tallaabadaas.

Washington ayaa sheegtay arrintaas iyo oggolaanshaha yabooha aan lagala taashanin markii horeba.

Victoria Nuland, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden, ayaa sheegtay in ficilka Poland ahaa mid “lama filaan” ku noqday iyaga.

Qorshaha Mareykanka ayaa ahaa in diyaaradahan Ukraine loo mariyo waddanka xadka la wadaaga ee Poland, tiradana la badiyo.

Bayaan kasoo baxay Waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaanno Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in dalabka Poland la diiday, sababtuna ay tahay inuu go’aanku yahay mid “aan la fulin karin”.

John Kirby, oo ah la taliyaha dhinaca arrimaha dadweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa bayaanka ku yidhi: “Taasi waxay ka dhigan tahay in ay ka duulayaan saldhigga Mareykanka iyo Nato ay ku leeyihiin Jarmalka, sidaasna ku galaan hawada Ukraine oo ah meesha uu ka socdo dagaalka ka dhanka ah Ruushka.

“Kicitaankoodu waxa uu khatar weyn ku keenayaa waddamada xubnaha ka ah isbahaysiga Nato.”

Ukrainian servicemen near Kyiv - a huge convoy of Russian troops has stopped its advance outside the capital

Mr Kirby ayaa sidoo kale bayaanka ku sheegay in ay sii wadi doonaan wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda Poland, ayna xal u heli doonaan dhibaatooyinka farsamo ee hadda jira.

Brandon Kearney, oo ah falanqeeye ku xeel dheer xiriirka militeriga ayaa BBC-da u sheegay in xalka ugu wanaagsan uu yahay in duuliyeyaasha Ukraine ay u tallaabaan dhinaca Poland kaddibna soo qaataan diyaaradaha.

Caqabadaha dhanka sharciga ee hor taagan gudbinta

Saraakiisha Taliska ciidamada cirka ee hoos taga Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa ka fikiraya qaababka ugu wanaagsan ee diyaaradaha noocoodu yahay MiG 29-ka looga qaadi lahaa Poland kaddibna loo geyn lahaa Ukraine.

Sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters, saraakiisha Pentagon-ka ayaa qiimeynaya in Aqalka Cad uu go’aanka ugu habboon ka qaato diyaaradaha la isku khilaafsan yahay, loona aqbalo in ay noqdaan kuwo kaalmo militeri ah oo Mareykanku uu bixiyo.

Taas waxay ka dhigan tahay in diyaarado uu Mareykanku sameeyay loo diro Ukraine.

Balse khubaradu waxay sheegayaan in xitaa haddii diyaaradahan loo aqoonsado kaalmo militeri aysan caddeyn sababta uu Mareykanku u siin karo Ukraine.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka waxaa u yaalla shuruuc xaddideysa bixinta qalabka militeri ee lagu sameeyay Mareykanka, maadaama laga baqayo in ay halis ku keenaan amniga qaranka Mareykanka.

Hase yeeshee wali waxaa laga fakarayaa in qaabkaas xitaa deeqda militeri lagu fasaxo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this