Deeq A. Posted March 9, 2022 Waxaa maanta oo Arbaco ah magaalada Baydhabo lagu qabanaya doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur galbeed. Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala HOP#077, HOP#099, HOP#167, HOP#168, HOP#186 & HOP#261, kuwaas oo musharixiinta u tartamaysa ay shalay qaateen shahaadooyinka musharaxnimada. Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay kuraastaan xildhibaanada kala ah :- HOP#077: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan Isgoowe Deeqow Isaaq HOP#099: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan Deeqa Xuseen Xasan HOP#167: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen HOP#168: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan Xasan Macalin Xuseen HOP#186: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale HOP#261: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan Cabdulqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan Waxaa hadda kuraastaan u tartamaya musharixiinta kala ah :- HOP#077: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdinaasir Cali Xasan iyo Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan. HOP#099: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Axmed Madoobe Nuunow iyo Cabdinaasir Ibraahim Aadan. HOP#167: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed . HOP#168: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Luul Ibraahim Cumar iyo Nasteexa Axmed Nuur. HOP#186: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdulqaadir Cumar Macalin iyo Cabdulqaadir Aadan Maxamed. HOP#261: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Saalax Shariif Sayid Cali iyo Ismaaciil Shariif Cali. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites