Deeq A. Posted March 9, 2022 Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka. Kuraasta guddiga ay shaaciyeena ayaa kala ah HOP#038, HOP#069 iyo HOP#095, kuwaas oo la sheegay in doorashadooda la qabanayo 12 bishaan. Waxaa baarlamaankii 10-aad kuraastaan Galmudug ku matalayay xildhibaanada kala ah :- HOP#038: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi. HOP#069: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa. HOP#095: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdikariin Khaliif Dhalac. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites