Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Iyo DP World Oo Dekedda Boosaaso Ku Wareejiyay Shirkad Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Maamulka Puntland iyo shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World, ayaa ku heshiiyay in maamulka dekedda Boosaaso laga wareejiyo shirkadda B&O oo muddo shan sanno ah gacanta ku haysay dekedda.

Waxaa dekedda maamulkeeda lagu wareejiyay shirkad aan weli magaceeda la sheegin sida uu sheegay wasiirka dekeddaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax.

Shirkadda B&O ayaa lagu eedeeyay inay ku fashilantay heshiiskii dekedda Boosaaso oo ahaa in dhismaha ballaadhinta dekedda la bilaabo, inkastoo arrintaas ay saamayn ku yeelatay dilkii madaxii shirkadda B&O, Paul Farmosa oo Boosaaso lagu dilay February 2019.

Wasiirka dekeddaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shirkadda cusub ay dhowaan si rasmi ah shaqadeeda u bilaabi doonto.

Ganacsatada Puntland ayaa ku baaqay in la joojiyo heshiiska DP world, iyagoo sheegay inay maalgashi ku sameysanayaan dekedda Boosaaso.

Laakiin arrintaas Puntland ma aqbalin, waxayna sheegtay in ay weli tixglinayso heshiiska DP World.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this