Deeq A. Posted March 6, 2022 Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin ayaa u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine xilli duulaanka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka deriska la ah uu wajahayo iskacaabin xooggan, islamarkaana dhaqaalaha dalkiisa ay cunaha qabteen cunaqabateeno sii kordhaya. Dadaalladii ugu dambeeyey ee Mosow looga hakinayo dhaqaalaha adduunka, ayaa shirkadaha nidaamka lacagaha la isugu gudbiyo ee Visa iyo Mastercard ee fadhigeedu yahay Mareykanka waxay ku dhowaaqeen inay hakinayaan howlahoodii Ruushka. “Mas’uuliyiinta Ukraine waa inay fahmaan in haddii ay sii wadaan waxay ay sameynayaan, inay su’aal gelinayaan mustaqbalka dalnimo ee Ukraine,” ayuu yiri Putin. PUNTLAND POST The post Ruushka oo u hanjabay jiritaanka dalnimo ee Ukraine appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites