Deeq A. Posted March 2, 2022 Nayroobi (Wararka PP) — Ra’ila Odinga, oo u tartamaya madaxtooyada Kenya, ayaa 2016kii ka sheegay Chatham House inuu taageerayo in Somaliland loo aqoonsado dal Soomaaliya ka go’ay. “Waxaan taageere adag u ahay aqoonsiga Somaliland. Sidaas baan iri aniga oo aan cabsi qabin ama aan isburinayn. Waxaan ka mid ahay hoggaamiyeyaashii ugu horreeyey oo booqday Somaliland markii saaxibkey Maxamed [Ibraahim] Cigaal noolaa” ayuu Odinga yiri. Gacmo is dhaafay…:Cigaal (bidix) wuxuu sagaashameeyadii Nayroobi kula kulmay Raila Odinga (midig). Xiriirka u dhexeeyay Odinga iyo Cigaal waxaa wax ka qoray Wasiirkii hore ee Arrimmaha Dibedda ee maamulka Somaliland Maxamed Siciid Gees. Gees, oo ka sheekeynayay booqasho uu Cigaal sagaashameeyadii ku tagay Kenya, ayaa tibaaxay in Odinga uu si wanaagsan u soo dhoweeyey wafdigii Cigaal kaddibna si gaar ah u shaxaaday Cigaal markuu Hargeysa ku soo noqday. “Waxaan dhacdadaas soo xasuustay mar Madaxweyne Cigaal uu Golaha Wasiirrada kaga warramay ku-dhaqanka hawl-fududayntu halka ay ka gaadhay dalka Kenya. Waxa uu sheegay inuu warqad u dhiibay Ralia Odinga si uu u gaadhsiiyo Madaxweyne [Daniel] Arab Moi. Ralia Odinga ayaa warqaddii gaadhsiiyey Madaxweyne Arab Moi, dabeeto markiiba Hargeysa ayuu u soo duulay. Wuxuu Madaxweyne Cigaal yidhi, “Waakaas oo durba waxa uu doonayaa khidmadii, horena Ambaasadoor Cawil Xaaji Cali Ducaale oo markaas ahaa Wakiilka Somaliland ee Kenya ayaan wax ugu dhiibay.” Waqtigaas Ralia Odinga xil ma hayn, mar dambe ayuu xil qabtay oo Wasiirka Koobaad ka noqday dalkaas” ayuu Gees ku qoray xasuusqorkiisii. Odinga (bidix) oo Nayroobi la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Waxay su’aali ka taagan tahay in Odinga si wadi doono u qareemista kala-goynta Soomaaliya hadduu ka badiyo William Ruto si uu u noqdo Madaxweynaha Kenya. Odinga, oo mar ahaa Ra’iisal Wasaaraha Kenya marna ergeyga Midowga Afrika u qaabbilsan Horumarinta Kaabayaasha, waxaa soo foodsaari kara su’aalo xagal-daacin kara ololihiisa maaddaama uu si toos ah uga ololeeyey qarannimada dal xubin ka ah Midowga Afrika. © Puntland Post, 2022 The post Somaliland oo galaafan rabta murrashaxnimada Raila Odinga appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites