Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka Al-shabaab oo qabsaday degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka Al-shabaab ayaa si buuxda u qabsaday degaanka Milxo oo ka tirsan Gobolka Sanaag kadib weerar culus oo ay ku qaadeen makhribnimadii Caawa.

Al-shabaab iyo Ciidamo u dhashay degaanka ayaa halkaas dagaal xooggan ku dhexmaray ka hor inta aysan qabsan Milxo sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dhinaca Amniga ah.

Isgaarsiinta degaanka ayaa go’an welina faahfaahin sugan lagama helin khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac.

Xukuumadda Puntland weli kama aysan hadlin dagaalka Al-shabaab ku qabsatay degaankaas.

PUNTLAND POST

The post Ururka Al-shabaab oo qabsaday degaanka Milxo ee Gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this