Sign in to follow this  
Deeq A.

Wajaale: 2 Carruura, Hooyadood Iyo Habaryartood Oo Ku Geeriyooday Dab Qabsaday Gurigii Ay Ku Noolaayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Wajaale)-Alle haw naxariistee laba carruura, Hooyadood iyo Habaryartood ayaa ku dhintay dab qabsaday hoygii ay degenaayeen oo ku yaala xaafada Saylada ee magaalada Wajaale.

Ciidanka Dab-demiska degmada Wajaale oo si degdeg ah u gaadhay goobtaa ayaa soo badbaadiyay saddex caruura oo ku dhex jiray gudaha hore oo guriga oo dabku haystay, waxaana markiiba ciidamadu gaadhsiiyeen cisbitaalka Magaalada Gabiley, iyadoo saddexda caruur ah ee badbaaday ay qabeen dhaawacyo fudud.

Guriga dabku qabsaday ayaa ahaa guri Jiingad ah oo ka koobnaa laba qol, ilaa hadana waxaa sababta dabkan dhalisay gacanta ku haya ciidanka Baadhista Booliska ee degmada Wajaale.

Ciidanka Dab-demisku wuxuu bulshada markastaba ku wacyigelinayaa inay soo sheegaan dabku intuu yaryahay, iyadoo la soo wacayo lambarka gurmadka degdega ah ee 990, lagana taxadaro wax kasta oo dab dhalin kara.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this