Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ruushka oo Cirka kaga soo degay Caasimada 2aad ee Dalka Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Ruushka oo Cirka kaga soo degay Caasimada 2aad ee Dalka Ukraine01b10000-0aff-0242-1e04-08d9faeedb8b_cx0

Ciidamada Ruushka oo laga soo daadiyey diyaarado ayaa maanta oo Arbaco ah cago dhigtay magaalada ku taalla bariga Ukraine ee Kharkiv, waxaa sidaas sheegay ciidamada Ukraine, oo intaas ku daray inuu jiray isku dhac deg deg ah.

“Ciidamada diyaaradaha lagu sido ee Ruushka ayaa soo cago dhigtay Kharkiv… waxayna weerareen isbitaal ku yaalla magaalada,” ayey ciidamada Ukraine ku yiraahdeen bayaan ay soo dhigeen Telegram.
“Waxaa socda dagaal u dhaxeeya ciidamada duulaanka ah iyo kuwa Ukraine.”

Kharkin, oo dadka degan ay inta badan ku hadlaan luuqadda Ruushka kuna dhow xuduudda Ruushka, ayaa waxaa ku nool 1.4 milyan oo qof.
Waxay bartilamameed u aheyd ciidamada Ruushka tan iyo markii madaxweyne Vladimir Putin uu billaabay duulaanka Ukraine Khamiistii tagtay, kaasi oo xoogeystay Talaadadii.

Sida uu sheegay Anton Gerashchenko, oo la-taliye u ah wasiirka arrimaha gudaha Ukraine, dab ayaa maanta ka kacaya iskuul lagu barto duulimaadka oo magaalada ku yaalla kadib markii la duqeeyey.

“Ma jirto meel ka mid ah Kharkiv oo aaney duqeymaha haleelin,” ayuu ku yiri bayaan lagu daabacay Telegram.

Dhinaca kale, magaalada Kherson oo ku teedan badda Madow, ciiamada Ruushka ayaa xalay qabsaday saldhigga laga raaco tareenada iyo deked, sida uu sheegay duqa magaalada Igor Kolykhayev oo ay soo xigatay warbaahinta gudaha.

Sidoo kale Mariupol, oo ah magaalo deked leh oo ku teedsan Badda Azov, in ka badan 100 qof ayaa Talaadadii lagu dhaawacay duqeymaha Ruushka, sida uu sheegay duqa magaalada Vadym Boychenko oo ay soo xigatay warbaahinta Ukraine.

Dhinaca kale, Wasaaradda Difaaca Ukraine ayaa xalay sheegtay inay ka cabsi qabto weerar uga yimaada dalka Belarus.

“Ciidamada Belarus waxaa la geliyey heegan culus, waxayna xoogga soo saareen goobo ku dhow xuduuda Ukraine,” ayey wasaaradda ku tiri bayaan ay soo dhigtay facebook.

Dagaalka ayaa maanta galay maalintii toddobaad, mana muuqdaan wax astaamo ah oo muujinaya inuu joogsanayo inkasta oo wareeg labaad oo wada-hadallo ah ay u ballansan yihiin saraakiisha Ukraine iyo Ruushka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this