Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaaladii ugu weyneyd ee ku taalla Dalka Ukraine ee Gacanta u gashay ciidamada Ruushka.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaaladii ugu weyneyd ee ku taalla Dalka Ukraine ee Gacanta u gashay ciidamada Ruushka.

kherson-1.jpg

 

Ruushka ayaa sheegtay inay ciidamadiisa ay la wareegeen magaalada Kherson oo ku taalla badda madow ee dalka Ukraine.

Ciidamada Ruushka ayaa la wareegay magaalada Kherson oo ku taalla koonfurta Ukraine, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga ee Ruushka.

Balse hogaamiyeyaasha maxalliga ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay ku hareereysan yihiin magalada balse aysan la wareegin.

Muuqaal lasoo dhigay barta Youtube wuxuu muujinayaa militeriga Ruushka oo ku sugan bartamaha magaalada.

kherson-2.jpg

BBC-da waxay xaqiijisay  inay sax yihiin Muqaalo laga soo duubay bartamaha magaalada Kherson.

Haddii arrintan la xaqiijiyo, waxay noqoneysaa magaaladii ugu weyneyd ee ku taalla Ukraine ee gacanta u gasho ciidamada Ruushka.

Ciidamada Ruuska ayaa xaley lagu arkay waddooyinka magaaladan, Duqa magaalada Kherson wuxuu sheegay in ciidamada ay qabsadeen xarunta laga raaco tareenka iyo garoonka diyaaradaha.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this