Sign in to follow this  
Deeq A.

Xafiiska guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC oo gebi ahaanba xirmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee TPEC, ayaa gebi ahaanba xirmay tan iyo markii ay is casileen mas’uuliyiintii sare ee guddigaas.

Wararku waxay xaqiijinayaan, in aysan jirin cid ka tirsan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha TPEC oo u shaqa taga xafiiska in ka badan laba bilood.

Sidoo kale, dowladda ayaa weli  fulin la’ dhammaystirka doorashadii saddexda degmo ee Qardho, Eyl iyo Ufayn, si maamullo cusub loogu dhiso degmooyinkaas.

Guddoomiyihii iyo ku xigeenkii TPEC ayaa is casilay 2-dii bishii January ee sannadkan, kadib markii sida la sheegay ay xukuumadda madaxweyne Deni isku fahmi-waayeen hannaanka hirgelinta doorashada qof iyo cod.

PUNTLAND POST

The post Xafiiska guddiga doorashooyinka Puntland ee TPEC oo gebi ahaanba xirmay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this