Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Ukraine Oo Galay Maalintii Toddobaad Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kyiv)-Ruushka ayaa sii wada duullaankiisa ka dhanka ah Dowladda Ukraine, iyadoona maalintii toddobaad uu guluf ballaadhan ka wado dalkaasi.

Ruushka ayaa sidoo kale sii wada weerarkiisa uu ku doonayo in uu kula wareego Magaalooyinka Kyiv iyo Kharkiv, oo saacadihii ugu dambeysay uu duqaymo xoog lihi ka fuliyay, xilli ciidamadiisa dhulka ay ku sii siqayaan Caasimadda Kyiv.

Saraakiisha Ciidammada Ukraine waxay sheegeen in Ruushka uu dib u soo cusbooneysiiyay weerarka uu ku hayo magaalo madaxda dalkaasi ee Kyiv. Kyiv ayaa xudun u ah duullaanka Moscow ee dalkaasi.

Sidoo kale jug waaweyn ayaa xalay laga maqlay magaalada labaad ee dalkaasi ugu weyn ee Kharkiv, waana xilli shalay ay diyaaradaha dagaalka Ruushku ka gaysteen duqayn ay dad rayid ahi ku dhinteen.

Millatariga Ruushka ayaa xalay la wareegay gacan ku haynta Magaalada Koonfurta Ukraine ku taalla ee Kherson, ka dib dagaal adag oo ay la galeen xoogaga wax iska caabinta.

Ukraine ayaa Ruushka ku eedeysay inay ciidammadiisu hareereeyeen goobaha rayidka, iyagoo markaasi u diidaya inay helaan adeegyada aasaasiga, si Ruushku uu dadku ugu ciqaabo, dagaalkuna aanu ugu sii daba dheeraan.

Xaaladda dalka Ukraine ayaa u muuqato mid faraha ka sii baxeysa, duullaanka Ruushkuna ay dadku arkayaan inuu sii socon doono.

Tan iyo intii uu dagaalku ka billaamay dalkaasi ayaa waxaa ku dhintay dhowr boqol oo qof, oo dad rayid ahi ay ku jiraan, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday.pn

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this