Sign in to follow this  
Deeq A.

Qisada Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo Muddo Shan Sanno Si Sharci-Darro Ah Ugu Xidhan Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

“Caddaaladda oo Raagtaa Waa Caddaalad-darro

Mukhtaar Sheekh Xuseen Cali waa muwaaddin reer Somaliland ah. Waa aabbo dhalay lix carruur ah, saddex wiil iyo saddex gabdhood, una shaqayn jiray carruurtiisa iyo ooridiisa. Mukhtaar waxa uu shan sanno ku xidhnaa magaalada Hargeysa, in kasta oo intii uu xidhnaa dhawr meelood oo kala duwan lagu xidhay, iminka waxa uu ku xidhan yahay CTU-da. Waxaa Mukhtaar la xidhay, sida xaaskiisa Koos Cabdi Ciise ii sheegtay, 01. 09. 2015. Markii u horraysay ee aan maqlay xadhigga Mukhtaar waxa ay ahayd markii aan ku xidhnaa CTU-da. Markii u horraysay ee Mukhtaar dacwaddiisa maxkamaddu dhegaysatay waxa uu xidhnaa saddex sanno iyo siddeed bilood, intii ka danbaysayna maxkamadda waxaa loo keeni jiray si teelteel ah oo kala fog.

Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr, oo lagu xidhay 20. 8. 2016 CTU-da, waxa uu Siciid ku xidhnaa berigaa CTU-da 24 habeen. Siciid waxa uu ugu tagey CTU-da Mukhtaar Xuseen Sheekh Cali. Salaasa, 17. 09. 2019, ayaan la xidhiidhay Siciid, waxa aan weyddiiyay Mukhtaar waxa uu xadhiggiisa berigaa uga sheegay ama ay is yidhaahdeen. Halabuur Siciid oo iiga warramaya arrinkaasi waxa uu yidhi, ‘‘Mukhtaar Sheekh Xuseen Cali, waxa xadhiggiisa ka danbeeyay shirkad uu shaqaale u ahaa muddo toban sanno ah. Waxa aanu ku dooday in uu jiray heshiis dhex maray isaga iyo shirkaddaasi, kaas oo ahaa in uu Mukhtaar saami ku yeesho faa’iidada. 

Mukhtaar waxa uu codsaday in la qoro heshiiskaa. Kadibna Mulkiilihii shirkadda ayaa yidhi, ‘Haddii aan warqad keligaa kuu qoro, shaqaalaha kale ayaa hanqal taagaya. Labadeenna iyo Ilaahay baa isku og.’ Mukhtaar waxa uu toban sanno kadib dalbaday in la siiyo faa’iidadiisii, waa se laga meermeeray. Waxa uu taas aawadeed ku dooday in lacag uu shirkadda u hayay ay tahay faa’iidadiisii, waana la xidhay. Waxa uu taagnaa Mukhtaar, ‘Igu dhaariya in heshiiskaasi jiro ama Mulkiilaha Shirkadda ku dhaariya in aanu jirin. Labadaba waan ku qancaa.’ Waa la diiday. Waxa la doonay in ay odayaal salaaddiin ahi dhammeeyaan, iyagiina waxba ma qaban. Markii uu laba sanno ku xidhnaa xarunta argagixisada ayaa xukun la’aan loogu wareejiyay xabsiga dhexe ee Hargeysa. Waa la diiday in dammaanad hanti ah lagu sii daayo, waxaana taas mas’uul ka ahaa garsoorka Somaliland.

Go’aan lagama soo saarin haddii uu gardaran yahay iyo haddii laga gardarnaa midna. Waxa dhegaysiga dacwaddiisa la bilaabay markii uu xidhnaa afar gu’ oo buure ah. 1-dii bishii sagaalaad ee 2016ka ayaan Mukhtaar sannadguurada kowaad ee xadhiggiisa kula dabbaaldegnay xarunta CTU-da ee ciidanka dembi-baadhista.’’

Koos Cabdi Ciise oo ah xaaska Mukhtaar, maalin Sabti ah, 16. 11. 2019, ayaan tilifoonkayga gacanta kala hadlay, arrintaa uu Siciid ii sheegayna waa ay ii xaqiijisay. Waxa aan aad isugu dayay in aan la xidhiidho Mulkiilaha Shirkaddaasi, si aanay xogtani ugu eegaan mid dhan keliya soo waraystay, dhawr jeer oo aan tilifoonkiisa gacanta ka garaacay la igama qaban. Waxa aan aad isugu dayay in aan helo, laakiin iima suurtagelin.

Waxa qudha ee aan dooddaydan ku baadhayay hal qodob oo ah, Mukhtaar Sheekh Xuseen Cali in aan xaqiijiyo in uu yahay muwaaddin reer Somaliland ah oo ku xidhan muddo shan sanno ah bilaa xukun. Marka aan qodobkaa sare halkaa kaga soo gudubno, waxa aan u dhaafi doonaa laba su’aalood oo u baahan in aan is weyddiinno, kuwaas oo kala ah:

1. Dacwadaha muranka xisaabta ee laba qof ka dhexeeyaa, sida tan Mukhtaar oo kale, ma madani baa mise waa ciqaab? Ka ay tahayba, waddadee loo marayaa ee xeerkeennu dhigayaa?

2. Qofka muwaaddinka ah ee la soo xidho muddo intee le’eg buu xidhnaan karaa xukun la’aan, haddii ay tahay dacwad madani ah ama dacwad ciqaab ah?

Sida ay sharciyaqaannadu ii sheegeen ee aan ku ogaaday baadhis aan sameeyay, haddii aan uga jawaabo su’aasha kowaad ee isku sidkan sida xeerkeennu dhigaayo iyo dhabbada loo marayo, dacwadda Mukhtaar iyo dacwadaha la midka ahi waa madani. Qofka wax sheeganayaa (dhibbanaha) ahi waxa uu arjiga dacwadda madaniga ah u gudbinayaa maxkamadda. Maxkamaddu waxa ay u yeedhaysaa dhinaca la dacweeyey (eedaysanaha) oo waxa ay u dhiibaysaa qoraalka si uu uga soo jawaabo. Marka dacwaysanuhu ka soo jawaabo, waxa la qabanayaa maalin ay dhinacyadu soo gudbiyaan dooddooda iyaga oo soo raacinaaya wixii caddaymo ah ee ay haystaan, marag iyo qoraal kolba kii ay haystaan. Marka maxkamaddu dhegaysato dhinacyada ee ay deristo caddaymaha ay soo gudbisteen waxa ay soo saaraysaa xukun. Cidda ku qanci weyda xukunku waxa ay u rafcaan qaadanaysaa maxkamadda ka sarraysa ta xukunka soo saartay. Dacwadaha madaniga ah qofka lama xidho.

Dacwadaha ciqaabta ahi waxa ay la xidhiidhaan qof sheeganaya in dembi laga galay. Qofku marka uu saldhigga booliska u gudbiyo cabashadiisa, boolisku baadhitaan ayaa uu ku samaynayaa. Kadib waxa uu u gudbinayaa xafiiska xeerilaalinta oo awood u leh inuu dacwad oogo ama iska dhaafo. Hadii xafiiska xeerilaalintu ku qanco in dembi dhacay, waxa uu eedda u gudbinayaa maxkamadda oo dhegaysanaysa dacwadda ciqaabta ah ee loo haysto eedaysanaha.

Haddii aynu su’aasha labaadna ka jawaabno, qofka ciqaabta loo haystaa wuu xidhnaanayaa inta dacwaddu ku socoto haddii aan dammaanad laga qaadin. Marka la xidho qofka iyo inta dacwadda la qaadayo waxa u dhexeeya toddobaadyo kooban. Taas macneheedu waxa weeye qofku ma xidhnaan karo wax ka badan inta sharcigu jideeyey ka hor intaan dacwaddiisa la qaadin. Muddada u badan ee sharcigu dhigayo in qof la hayo ka hor dacwad qaadistiisu waa sagaashan maalmood (90 days).

Waxa ay Mukhtaar maxkamadda gobolka Maroodijeex ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah mar uu xidhnaa shan sanno iyo badh iyo in lagu xukumay in uu lacagtii bixiyo. Waxa uu iminka Mukhtaar xidhan yahay muddo lix sanno ah. Waxa haddaba in la is weyddiiyo ah laba su’aalood, oo kala ah:

1. Haddii Mukhtaar la xukumay lacag ma lagu leeyahay?

2. Muddadii sharcigu dhigaayay in labanlaabkeed uu xidhnaado xuquuq iyo magdhaw ma ku leeyahay?

Su’aasha hore jawaabteedu waa haa. Laakiin waxa ay ahayd maxkamaddu marka ay xukuntay, iyada oo qodobka ay u adeegsatay ee xadhiggiisa keenay uu yahay dembi ciqaab ah oo uu qaranka ka galay, in ay sii deyso, dabadeed ganacsadihii ay xisaabtu ka dhexeysay uu kiis madani ah furto lana eego xaalka Mukhtaar iyo sida uu lacagtaasi isaga bixin karo. Tusaale ahaan haddii hanti uu leeyahay jirto in la iibiyo, haddii kalana sida ugu macquulsan ee uu u bixin karo uu u bixiyo. Su’aasha labaadna jawaabteedu, haa wuu leeyahay oo Mukhtaar dawladda ayaa ku geftay oo saddexda sannadood ee dheeraadka ah waxa uu leeyahay magdhaw u dhigma una qalma.

Mulkiilaha Shirkaddan iyo Mukhtaar anigu uma gar-qaadayo, xisaabtooda iyo waxa ay isku lahaayeenna uma socdo in aan wax ka qoro. Labada dhinacba waa muwaaddiniin reer Somaliland ah. Labada midna xil uma aynnaan dhiiban. Ka garnaqa dacwadaha, ilaalinta nabadda iyo ku dhaqanka shuruucdaba waxaa ka mas’uul ah dawladda dadkeedu u igmaday. Muwaaddinka shan sanno ku xidhnaa sharci-darro iyo dulmi, waxa lagala xisaabtamayaa dawladda iyo laamaha qaabbilsanaa ee shaqadoodu tan ahayd. Inta oggaalkay ah, caddaalad-darro ka weyn ta Mukhtaar lagu sameeyay ma garan karo cid kale oo lagu sameeyay Somaliland. Mukhtaar dembiile ha ahaado ama yaanu ahaane, maxaa loo xukumi waayay ee garsoorka loo horgeyn waayay ee maalintii la soo xidhay shan sanno iyo badh kadib loo xukumay? Su’aashaasi jawaabteedu waxa ay ku tusaysaa ulakaca iyo badheedhka sharciga lagu jebinaayo iyo moogganaanta dawladdeenna. Waxa aan kaga baxayaa qoraalkan, caddaaladda oo raagtaa waa caddaalad-darro.”

Buugga Mayal. Bogga 159, 160 iyo 161 iyo 162.

FG: Xusid waxa mudan in Mukhtaar ay walaalo yahiin wasiirka wadaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Albaani.”

Xigasho: Abwaan Cabdiraxmaan Abees.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this