Sign in to follow this  
Deeq A.

Maayarka Burco Oo Shalay Lagu Xidhay Garoonka Diyaaradaha Ee Dubai.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Maayarka Burco Cabdirisaaq Hero oo Garoonka diyaaradaha ee Dubia shalay lagu xidhay ayaa la sii dayay kaddib 8 sacadood oo uu maxbuus ahaa sida ay ii sheegeen illo xog-ogaal ahi.

Masuulkan oo ku safrayay Passport Diplomaasi Somaliland ah ayaa sida la sheegay qaatay dal ku gal (Visa) qaldan.

Jaaliyadda Somaliland & xubno ka tirsan shaqsiyaadka dalkaasi ka ganacsada ayaa usoo gurmaday Maayar Hero kaddibna soo fardaamiyay.

Maayarka Boorama & xildhibaano ka tirsan golayaasha deegaanka ee Burco & Boorama ayaa socdaalka ku weheliya maayarka la xidhay waxaanay halkaas u tageen shirar muhim ah.

Mohamed Yusuf Bakayle

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this