Deeq A. Posted March 2, 2022 Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Hirshabeelle ayaa shaaciyay habraaca iyo jadwalka doorashada 11 kursi oo lagu dooranayo magaalada Baladweyne. Kuraasta la shaciyay ayaa kala ah HOP#004, HOP#010, HOP#011, HOP#019, HOP#030, HOP#039, HOP#058, HOP#059, HOP#063, HOP#066 iyo HOP#135. War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in kuraastaan la dooranayo 8 illa 9-ka bishaan marso, waxaana kuraastaan ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaanada kala ah :- HOP#004: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone) HOP#010: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed (Jindi) HOP#011: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdrisaaq Cumar Maxamed HOP#019: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Farxiya Muumin Cali HOP#030: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Daahir Amiin Jeesow HOP#039: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maryan Axmed Haarun HOP#058: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Nuur Iidow Bayle HOP#059: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Samiira Xasan Cabdulle HOP#063: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre HOP#066: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cumar Cismaan Waasuge HOP#135: kursigaan barlamankii 10-aad waxaa ku fadhiyay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites