Sign in to follow this  
Deeq A.

Putin Oo Sharuudo Ku Xidhay Joojinta Duullaanka Uu Ku Qaaday Ukraine

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Kulankii Isniintii shalay dalka Belarus ku dhexmaray wafuuda ka socday Ruushka iyo Ukraine ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday dood socotay 5 saacadood kadib.

Labada dhinac ayaa sheegay inay dib isugu soo noqon doonaan kulan kale oo dhacaya dhammaadka toddobaadka, xilli ay dagaalada weli sii socdaan.

Dhinaca kale isla shalay Madaxweynaha France Macron ayaa ku guulleystay inuu khadka telefonka kula hadlo Madaxweynaha Ruushka Putin.

Sida laga soo xiganayo Faransiiska Madaxweynaha Ruushka ayaa sharuudo ku xidhay joojinta dagaalka ka socda Ukraine; waxaana sharuudahaasi ugu muhiimsanaa:

1- In Ukraine laga dhigo goob hubka ka caagan (Hub ka dhigis)

2- In dowlada Ukraine aqoonsato in jasiirada Crimea kamid tahay Ruushka, jasiiradaasi ayuu Ruushka xoog kula wareegay sannadkii 2014.

Reer Galbeedka oo iyagu cunqabateyn adag kusoo rogay Ruushka ayaa dhankooda ku doodaya in Putin si sharuud la’aan ah ku joojiyo duullaanka uu kusoo qaaday waddanka Ukraine.

Putin ayaa u arka Ukraine oo hore uga tirsanaan jirtay Jamhuuriyadii Sofiyeetka in haddii ay ku biirto NATO amma Midowga Yurub ay khatar amni ku noqon karto Ruushka iyo awooda uu ku leeyahay gobalka.

Maraykanka iyo xulafadiisa NATO ayaa sannadihii danbe waday inay sare u qaadaan ciidammada ka jooga dalalka Bariga yurub ee ku dhaw xaduuda Ruushka, iyagoo sidoo kale hub badan ugu deeqay Ukraine oo aan ka tirsaneyn dalalka NATO kamid ah, arrintaasi oo sare usii qaaday shakiga Putin ka qabo qorshaha fog ee Maraykanka iyo xulafadiisa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this