Sign in to follow this  
Deeq A.

Duulaanka Ruushku ku qaadey Ukraine muxu kaga duwan yahey Duulaanka Dawladaha Reer Galbeedku ku hayaan dawladaha Dunida 3aad?

Recommended Posts

Deeq A.   
Duulaanka Ruushku ku qaadey Ukraine muxu kaga duwan yahey Duulaanka Dawladaha Reer Galbeedku ku hayaan dawladaha Dunida 3aad
baashe.jpg
Duulaanka sharci darrada ah ee Ruushku ku duuley Ukraine muxu kaga duwan yahey duulaanka joogtada ah ee dawladaha reer galbeedku ku hayaan dawladaha adduunka seddexaad sida Ciraaq, Libiya, Afqanistan Congo Zaire, panama iwm … ?,
Marka laga bilaabo qarniga 12 naad ilaa qarniga 20 naad bilowgisa ( 1917 ) dawladda Ukraine, xuduuda maanta ay ledahey waxa qeybsanaye dawladaha jaarkeeda sida Poland, Ruushka, Lituania, Austria ilaa xatta Crimea Khanate oo ah dad Tatars ah. Waxay muddo gaaban 1917-1921 noqotey dawlad madax bannaan, balse waxa ka guuleystey kacaanki casa ee Sovietka ee Fladamir ILish Linin 1922 hoggaaminaayey. Taaso ay ku biirtey dawladaha Soviet Unionka. Waxay Ukraine xoriyadeedi dib u heyshey 1991 marku burburey Soviet Unionki. Waxa lagu qiyaasa tirada dadka Ukraine 44 Million, baaxadeeduna wa dawladda labaad ee Europe ugu weyn ee ku xigta Ruushka.Magaalo madaxeedu wa Kiev. Waxa xusid mudan in waqtigi dagaalka qabooba ( Cold war ) Ukraine iyo dawladaha Bariga Europe sida Poland, Hungary, Dawlada Hantiwadaaga Germany, Romania, Czechoslofakia, Bulgaria, Lithuania, Estonia, Latvia, Georgia, Albania ( Waxey ka baxdey 1968. Waxey qaadatey Hantiwadaaga China ), Belarus ay ka mid ahayeen gaashaan burta waarso ( WARSAW Pact ) ee Ruushku hoggaaminaayey oo kaso horjeedey gaashaanbuurta Naato ( NATO ) ee Mareykanku hoggaaminayo. Taaso marku Sofvietki Burburey 1991 ay badankoodu ku biireen Gaashaanbuurta NATO. Arrintaaso aad uga cadheysisey Ruushka maadaama ay xuduudeedi NATO soo degtey. Haddaba ‘’gar Alle taqaanaye’’ madaxweynihi shanaad ee Mareykan James Monreo ( 1817-1825 ) oo ka mid ah shanta madaxweyn ee loo yaqaano Aabayaashi aasaasey Mareykanka ( Founding fathers ) aya dhigey qorshe loo yaqaan ( Monreo doctrine ) oo nuxurkeedu yahey inaanu Mareykanku ogolaan doonin in dawladaha ku yaal labada qaaraddood ee Mareykan ( South iyo North America ) iyo jasiradaha jaarkooda ah iney la sameeyaan xidhiidh iyo heshiisyo military dawladaha kale ee caalaamka. Waxeynu ogsonahey xisaddi colaaded ( xisaddi sawaarikhda ) ( Cuba missile crisis ) oo ka dhex qarxi gaadhey Mareykanka iyo Ruushka, marku madaxweynihi Mareykan John F. Kennedy amar ku bixey in diyaaradaha Mareykan burburin doonaan maraakibta Ruushka ee u soo sidda dawladda Cuba ee ay jaarka yihiin sawaariikh mareykanka khatar ku ah. Hanjabadaas oo sababtey in madaxweynihi Ruushka Krushchev dib u gurasho sameeyo oo amar ku bixiyey in maraakiibtu dib u soo noqoto. Inkasto Ruushku duulaankan uu ku qaadey Ukraine uu khalad weyn iyo gef bani’adamnimo yahey, madaxweyaha Ukraine ee jilaaga ah na uu khaladaad badan, oo aflagaado, cey , iyo caragsi aan loo baahneyn galey halkey aheyd innu dhex dhexaad ka noqdo labadan quwadood sida uu madaxweynaha Ruushku baryahan ba ka dalbanaaye reer galbeedka, oo wadankisa ka badbaadiyo khasaare nafeed iyo burbur ay adagtahey sidey beryahan uga soo qarwaaqsadaan. Laakiin Ruushku wuxu sameeyun waxey reer galbeedku maalin walba sameeyaan oo dawladday doonaan weeraraan oo afgabiyaan sida madaxweynihi Panama Manuel Noriega ee marka hore saaxiib la aha Mareykanka laakiin marku ka horyimid ay dalkisa ku duuleen oo kaso qafaasheen, 40 sano xabsi ah ku xukuumeen ( 1990 ) iyago ku andaconaya innu mukhadaraad ka gancsan jire. Waxeynu ognahey madaxweynihi xoriya doonka ee Democratic Republic of Congo ee Zaire la odhan jire ( DRC ) Patrice Lumumba intey CIA ga Mareykanku iyo Belgium ka shaqeyeen si loo afgambiyo, nololna ku qaateen oo waliba meydkisina guubeen. Madaxweynihi Chile Salvador Allende ee ku guuleystey doorasho xor oo xalaal ah aya CIA iyo wasiirki arrimaha debedda Henry Kissinger ay ka shaqeeyeen afgamigisa, waxana lagu diley qasrigi madaxtooyada. Waxaaney keneen general dictator ah ”Pinoche” oo dadkisa xasuuqa. Waxeynu ogeyn duulaanki sharci darrada aha ee reer galbeedku ku qaadeen Ciraaq, Libiya, madaxdoodina inta la qabtey la diley.
Gaba gabo: dagalkan wu dheeraan doona, waxaanu isu bedelidoona dagaal jabhadeed oo ah ku dhufo ka dhaqaaq, taaso Ruushka geyeey siin doonta khasare naf iyo maal, waxaana wiqmi doonta awoodda iyo saameeynta uu Ruushku ku laha adduunka, waxaana dhici karta inney dad weynaha Ruushku ku kacaan kacdoon shacbi oo ay galaafato madaxweyne Putin.
Alla mahad leh,
Eng. Bashe Cabdi gaboobe

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this