Sign in to follow this  
Deeq A.

FILISH oo shaaciyey in laga hortegay weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo khudbad ka jeediyey munaasabad loo qabtay ciidmada Booliska ayaa ka hadlay amniga caasimada.

Filish ayaa shaaciyey inay si wanaagsan ku soo dhammaadeen doorashooyinkii Golaha Shacabka ee dhowaan lagu qabtay magaalada  Muqdisho, wuxuuna tilmaamay in ciidamada Booliska iyo saraakiishooda ay fuliyeen qorshihii loo dajiyey amniga doorashada.

Duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in markasta kooxda Al-Shabaab ay qorsheyneysay weeraro ka dhaca caasimada, balse laga hortegay, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu boggaadiyey ciidamada ammaanka ee loo xilsaaray amniga doorashooyinka, isaga oo tilmaamay inay kasoo baxeen waajibaadkii ka saarnaa qaranka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale u mahadceliyey shacabka Muqdisho oo uu sheegay inay dul qaad muujiyeen inta ay socdeen doorashooyinka Golaha Shacabka, maadaama maalmaha qaar la xirayey waddooyinka.

Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay doorashooyinka kuraasta gobollada waqooyi (Somaliland) iyo kuwa Banaadiriga, kuwaas oo maalmo ka hor lasoo gabagabeeyey.

Si kastaba, hadalka Cumar Filish ayaa kusoo aadaya, xilli caasimada ay ka dhacayeen maalmahan dambe dilal qorsheysan & weeraro qaraxyo ah oo dhaliyey khasaare xoogan.

The post FILISH oo shaaciyey in laga hortegay weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this