Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo wajahaysa xaalad laba daran mid dooro ah Dagaalka Ukraine Dartii+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Israa’iil oo wajahaysa xaalad laba daran mid dooro ah Dagaalka Ukraine Dartii+Sababta

Naftali Bennett
Ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennett.

Xilli dalalka Galbeedka iyo xulafadooda ay isu bahaysanayaan sidii ay u go’doomin lahaayeen dalka Ruushka oo ku duulay Ukraine, ayaa Israa’iil waxa ay ilaa hadda iska ilaalisay inay la safato dhinac gaar ah.

Tel Aviv ayaa xiriir wanaagsan la leh Moscow iyo Kyiv, waxaana taa ay ka hor istaagtay inay si cad ula safato dhinac gaar ah, xilli uu cadaadis uga imanayo qaar kamid ah muwaadiniinta Israa’iil ee asal ahaan ka soo jeeda Ukraine.

“Waxaan u duceyneynaa shacabka Ukraine, inagoo rajeyneynaa in laga baaqsan doono dhiig dambe oo data. Waxaan qaadanay siyaasad miisaaman oo mas’uuliyadi ku dheehan tahay,” ayuu Axadii qoraal ku sheegay ra’iisal wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennett.

Isla maalintaas, Bennet ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaasoo tilmaamay inuu diyaar u yahay “wadaxaajood” sida uu sheegay mas’uul sare oo Israa’iili ah.

Vladimir Putin

Xidhiidhka Israa’iil iyo Ruushka

Inkastoo uu Ruushka si weyn u taageero Suuriya, oo deris la ah Israa’iil isla markaana ay cadaawad ka dhaxayso, haddana xukuumadda Tel Aviv ma doonayso inay xumayso xiriirka kala dhexeeya Moscow.

Israa’iil ayaa marar badan gudaha Suuriya ku beegsatay hub iyo xarumo ay sheegtay inuu leeyahay ururka Xisbullah ee saldhiggiisu yahay Lubnaan, mana jirin wax falcelin ah oo uu Ruushka ka sameeyay weerarradaas.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Israa’iil ay horay u diiday in dowladda Ukraine ay ka iibiso barnaamijka basaasidda internet-ka ee Pegasus, iyadoo ka gaashaamanaysa falcelin uga timaada Ruushka. Barnaamijka waxaa adeegsaday dowladdo badan oo ku beegsaday dad mucaarad ku ah.

Ku dhawaad 1.2 milyan qof oo ku hadla af Ruushka ayaa Israa’iil gaaray tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeet, waxaana saddex melood oo meel dadkaas ay ka tageen dalka Ruushka, sida lagu sheegay xog ay baahisay xukuumadda Tel Aviv.

Ukrainian President Volodymyr Zelensky

Xidhiidhka Israa’iil & Ukraine

Madaxweynaha Ukriane, Volodymyr Zelensky, waa Yuhuudi qaar kamid ah ehalkiisa lagu laayay xasuuqii Holocaust. Marar badan ayuu Israa’iil ku soo booqday ehel iyo asxaab haysata dhalashada waddankaas, waxaana uu ku qabtay bandhigyo xilligii uu ahaa majaajileystaha.

Sidoo kale Israa’iil waxaa ku nool Yuhuud badan oo asal ahaan ka soo jeeda Ukraine, kuwaasoo qaarkood ay halkaa tageen kadib markii uu Ruushka qabsaday Crimea.

Sabtidii la soo dhaafay, safaaradda Ukraine ay ku leedahay Israa’iil ayaa barteeda Facebook soo dhigtay baaq ku aaddan muwaadiniinta dalkaas ee doonaya in ay “Ukraine ka difaacaan duullaanka Ruushka.” Qoraalka ayaa saacado kadib laga tiray bartaas.

Anna Zharova, oo madax ka ah urur lagu magacaabo Israeli Friends of Ukraine, ayaa ugu baaqday ra’iisal wasaare Naftali Bennett inuu qalabka difaaca gantaallada ee Iron Dome ka iibiyo Ukraine.

Warbaahinta Ynet ee laga leeyahay Israa’iil ayaa todobaadkii hore baahisay in qorshe Ukraine looga iibin lahaa Iron Dome uu fashilmay, kadib markii saraakiil sare ay ka digeen in tallaabadaas ay xumayn karto xidhiidhka ka dhexeeya Tel Aviv iyo Moscow.

Wargeyska The Times of Israel ayaa sheegay in Jimcihii uu Madaxweyne Zelensky ka codsaday ra’iisal wasaare Bennett kaalmo milateri, balse uusan ka helin jawaab wax ku ool ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this