Deeq A. Posted February 28, 2022 Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta shaaciyey jadwalka doorashada lix kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah oo lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo. Guddiga ayaa shaaciyey in doorashada kuraasta kala ah HOP#001, HOP#13, HOP#017, HOP#020,HOP#060 iyo HOP#101, kuwaas oo la dooran doono 6 March sida lagu shaaciyey jadwalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka dadban ee DGG. 1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#001 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Warsame Maxamed Xasan. 2: : Kursiga tirsigiisu yahay HOP#013 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Maryan Maxamed Xuseen. 3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#017ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Duniya Maxamed Cali 4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#020 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Cali Axmed Shariif Cusmaan. 5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#060 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Ubax Tahliil Warsame. 6: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#101 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Xirsi Aadan Rooble. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites