Deeq A. Posted February 28, 2022 Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mohamed Abuukar Cabdi ayaa xilkii ka qaaday Maamulkii Magalaada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa xilka looga qaaday guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii maamulka degmada Baydhaba. Guddoomiyaha iyo duqa Magaalada Baydhabo ayaa loo Magacaabay Cabdullaahi Cali Watiin oo horay xilkaasi mar u soo qabtay, halka Guddoomiye kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda loo Magacaabay Mucaawiye Ibraahim Cali. Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada ayaa sido kale loo Magacaabay Cabdullaahi Ibraahim Nuur. PUNTLAND POST The post Maamulkii magaalada Baydhaba oo xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites