Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi oo la kulmay 20 kamid ah wakiilada Somaliland u jooga dibadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maantaqasriga madaxtooyada, kulan kula qaatay labaatan (20) kamid ah wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka dibeda oo maalmihii u danbeeyey uu tababar uga socday magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd xog-waran guud oo la xiriira hawlaha qaran ee wakiiladu ay ugu magacaaban yihiin, sidii loo dardar-gelin lahaa korna loogu qaadi lahaa arrimaha qarannimada Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wakiilada kula dardaarmay inay xoojiyaan dedaalka iyo shaqada ay Somaliland u hayaan, dareensanaadaana in ay wakiilo u yihiin shacbiga Somaliland ee ay magacooda xambaarsan yihiin kuna metelaan dalalka ay joogaan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Biixi oo la kulmay 20 kamid ah wakiilada Somaliland u jooga dibadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this