Sign in to follow this  
Deeq A.

Macallimuu iyo xubno kale oo lagu doortay Beledweyne + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Bedweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadooda ay tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa waxaa ka mid ah Hop#032 iyo Hop#068 ee Golaha Shacabka, waxaana kursi ka mid ah kusoo baxay Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Afhayeenka xukuumadda oo doorashadiisa isha aad loogu wada hayey ayaa ku guuleystay kursiga Hop#068, sida uu shaaciyey guddiga SIET ee HirShabelle.

Guusha Macallimuu ahaa aad loo sugayey, maadaama isaga oo dhaawac ah uu tartanka doorashada u aaday Beledweyne, waxaana kursiga uu ahaa mid loo xiray.

Kursiga labaad ee Hop#032 waxaa ku guuleystay wasiirka Ganacsiga xukuumadda Soomaaliya, Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo helay 81 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana haray afar kursi kale oo qorshuhu in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne.

HirShabelle ayaa dadajineyso doorashada Golaha Shacabka Soomaliya, waxayna shalay soo saartay qaybtii labaad kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay Beledweyne.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 15-ka bisha soo socoto Maarso, sida ay dhowaan isku raaceen xubnaha Golaha Wadatashiga.

Macalimoow-696x853-1.jpg?resize=696%2C85 274357215_153552577058601_56585260306147

[contact-form] [contact-form]

274709388_153343363746189_32275994077652

The post Macallimuu iyo xubno kale oo lagu doortay Beledweyne + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this