Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Ibraahim Macallimow oo xildhibaan loo doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Af-hayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimow ayaa maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Macallimow ayaa ku guulestay kursiga Hop#068 oo Doorashadiisu ka dhacday Beledweyne kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay waxana cod gacan taag ah uu helay codad gaaraya 92 cod ma jirin cid ka aamustay.

Af-hayeenka ayaa Bishii January ee sannadkan ku dhaawacmay qarax lala beegsaday waxaana dhaawaciisa loo qaaday dibadda halkaas oo uu maalmo ka hor ka soo laabtay.

Dhawr jeer oo hore ayuu sidoo kale ku dhaawacmay qaraxyo ka dhacay Muqdisho kuwaas oo qaarkood saaxiibadiis ku geeriyoodeen.

PUNTLAND POST

The post Maxamed Ibraahim Macallimow oo xildhibaan loo doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this