Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Ka Cudur Daartay Inuu Safar Ugu Baxo Gobollada Bariga  Ee Abaaraysan, Saylici Oo Uu U Diray Iyo Dareenka Dadwaynaha.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Dad Badan ayaa dhawaan si weyn baraha bulshada ugu faafinayay qoraal ay madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi kaga codsanayaan inuusafar ku tago gobollada bariga Somaliland oo ay abaar ba’ani ka jirto.

Dadk ayaa qoraalladooda billaabay ka hor safarkii uu madaxweyne Biixi dhawaan ku tagay dalka Jabuuti iyaga codsigooda ahaa in madaxweynuhu uu safar ku tago gobollada bariga ka hor intaanu safar dibadeed u bixin, si uu u soo arko xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ay abaartu saamaysay.

Markii uu dalka dib ugu soo laabtay Madaxweyne Biixi ayaa la filayay inuu u xadhka xidhan doono safar uu ku tago gobollada bariga Somaliland si uu ugu kuurgallo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka u badan xoolo dhaqatada ee ay saamaysay abaartu.

Xog ay heshay Somalilandtoday ayaa sheegaysa in madaxweyne Biixi uu tahli kari waayay islamarkaan uu ka cudur-daartay in safar ku tago gobollada bariga Somaliland si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda dhabta ee ka jirta deegaanadaasi balse taas beddelkeeda waxa uu go’aansaday in uu gobollada bariga u diro wafti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, halka uu Biixi markale isku diyaarinayo safar uu mar kale ugu ambabaxayo dalka dibadiisa.

Dadka baraha bulshada ku faafiyay qoraalada ayaa waxa ka mid abwaanka weyn ee Yuusuf Shaacir oo yidhi sida tan:

“Madaxwaynaha waxaan u soo jeedin lahaa in uu booqdo gobolada abaarta ba’ani ka jirto si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda dhabta ah ee halkaa ka jirta.

Inta aanu u bixin safar dabadeed.”

Dadwaynaha ayaa dareenkooda ku jeedinaya tallaabada xigta ee uu Madaxwaynuhu qaadi doono maadama aanu illaa hadda ka hadal abaarta dalka ka jirta islamarkaana uu safarro dibadeed galaa bixinayo, sidoo kale bulshada gobollada bariga ayaa isha ku haya Madaxwaynaha maadaama ay u arkaan inuu u yimaado marka uu olole ku jiro iyo mar uu dhoolatus samaynayo oo kaliya.

Waxa xusid mudan in madaxweyne marar kala duwan uu safaro ku tagay gobollada galbeedka gaar ahaan Gabiley iyo Berbera.

Somalilandtoday/Burco/Office

Mar-kasta-isha-ku-hay-Somalilandtoday-11

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this