Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed: Liiska Doroashada Afar Kursi Oo La Shaaciyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay liiska afar kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo todobaadkaan.
Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#275, HOP#230, HOP#183 iyo HOP#178, kuwaas oo dhamaan deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Baydhabo.
Waxaa kuraastaan baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-
HOP#178:   Waxaa ku fadhiyay xildhibaan   Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe).
HOP#183:   Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Sandheere Maxamed Iftin.
HOP#230:   Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Prof Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi).
HOP#275:  Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Sheekh Shaakir Sheekh Maxamed Xasan.
274730882_167190462310227_77671387507651

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this