Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo shaacisay doorashada afar kursi – Yaa ku fadhiya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa waxa ay kala yihiin:- HOP#275, HOP#230, HOP#183 iyo HOP#178.

Guddiga SEIT ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu dib ka shaacin doono xilliga ka qabanayo doorashada kuraastan oo ka mida kuwa ugu dambeeyey ee maamulkaasi

Yaa ku fadhiya kuraastaan?

HOP#275:  Sheekh Shaakir Sheekh Maxamed Xasan.

HOP#230: Prof Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi).

HOP#183: Sandheere Maxamed Iftin.

HOP#178: Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya qabsoomida doorashooyinka, waxaana haatan ku harsan 19 kursi oo ay ku jiraan afarta kursi ee maanta la shaaciyey.

274730882_167190462310227_77671387507651

 

The post Koonfur Galbeed oo shaacisay doorashada afar kursi – Yaa ku fadhiya? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this