Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Hooyo gabadheeda si arxan darro ah ugu dishay MUQDISHO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo Khamiistii ka dhacday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib markii Hooyo deggan degmadaas ay si arxan darro ah u dishay gabadheeda oo yar.

Gabadha oo 9 sano jir aheyd ayaa maydkeeda la helay Jimcadii, iyada oo lagu qariyey guriga ay daganaayeen qoyska, waxaana la geliyey sariirta hoosteeda, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehellada.

Ayeeyada gabadhada yar ee geeriyootay oo lagu magacaabo Madiino ayaa sheegtay in ceejo lagu dilay gabadha yar, sidoo kalena loo geystay jirdil xoogan.

“Xalay lix saac ayaan duugnay meydkeeda waa 9 jir. Gabadha kor iyo hoos waa laga duqeeyey wax fiyooba ma aheynba,” ayey tiri Ayeeyo Madiino oo dhashay Aabaha dhalay gabadha geeriyootay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in haatan la xiray Hooyada falkan geysatay, isla-markaana loo gudbiyey laanta dambi baarista Booliska Soomaaliyeed ee CID-da.

Illaa iyo hadda ma cadda sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya dhacdadan, balse waxaa la sheegay inuu jiray muran u dhexeeyey qoyska oo ka billowday gabadha yar.

Dhacdadaan argagaxa leh ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxayna ka mid ah tahay falalka arxan darrada ee mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:

The post Daawo: Hooyo gabadheeda si arxan darro ah ugu dishay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this