Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada kursiga uu Macallimuu u tartamayo iyo rajadiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyyne (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa maanta shahaadada musharaxnimada guddoonsiiyey musharixiinta u tartameysa lix ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu wado in beri doorashadooda lagu qabto gudaha magaalada Beledweyne.

Musharixiinta shahaadooyinka qaatay oo gaaray 12 ayaa u tartamaya kuraasta HOP006, HOP 022, HOP 003, HOP 032, HOP 252, HOP 068.

Sidoo kale musharixiintan waxaa ku jira afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo isaga oo dhaawac ah kursi xildhibaanimo u doontay HirShabelle, kadib markii uu maalmo ka hor kusoo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Macallimu ayaa loo xiray kursiga tirsigiisu yahay HOP068, waxaana la tartamayey nin lagu lagu magacaabo Maxamed Cabdicasiis oo ah darawalkiisa, isla-markaana uu isaga qudhiisa ku dhaawacmay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee afhayeenka lagula beegsaday Muqdisho.

Tani ayaa ka dhigeysa in rajada Macallimuu ay tahay 100%, waxaana beesha kursiga iska leh iyo HirShabelle ay isku raaceen in lasoo saaro,maadaama isaga oo musharrax ah ay kooxda Al-Shabaab qarax culus kula beegsatay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Musharixiinta kale ee kuraasta loo xiray waxaa ka mid ah Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene iyo Cismaan Daallo oo lagu wado in markale dib loogu doorto Golaha Shacabka.

Dhinaca kale guddiga doorashada ee HirShabelle ayaa soo saaray doorashada qaybtii labaad kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Beledweyne.

Kuraastan oo ah 11 kursi ayaa noqon doono kuwii ugu dambeeyey oo maalmaha soo socda doorashadooda lagu qabanayo halkaasi.

274322490_153334103747115_87553248048935

274709388_153343363746189_32275994077652 274313975_153343463746179_44806561377136 274467434_153343420412850_78087931331650 274651778_153343373746188_46981716243610 274706435_153343410412851_33390206234330

The post Wararkii ugu dambeeyey doorashada kursiga uu Macallimuu u tartamayo iyo rajadiisa appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this