Deeq A. Posted February 26, 2022 (SLT-Moscow)-Wasaarada Arrimaha Dibbada ee Ruushka, oo u jawaabtay xildhibaan reer Finland ah, oo sheegay in waddankiisu diyaar u yahay in uu NATO ku biiro si uu u nabadgalo, ayaa sheegtay in haddii Finland ku biirto NATO, ay la kulmi doonto cawaaqib millateri. Qoraalka loogu jawaabay xildhibaanka ayaa lagu sheegay in Ruushku uu aaminsanyahay, in siyaasada gooni u socodka ah ee Finland, ay muhiim u tahay nabad galyada Yurubta waqooyi. “Waxaanu aaminsanahay in siyaasada dowlada Finland ee ku salaysan in aanay cidna xulufaysan cidna ka hor iman, ay tahay qodob muhiim u ah, nabada iyo xasiloonida waqooyiga Yurub”. Qoraalka ayaa lagaga digay dowlada Finland in ay ku biirto gaashaan buurta NATO, iyadoo lagu sheegay in ay tallaabadaasi dhalin doonto cawaaqib millari iyo siyaasadeed. “Kubiiritaanka Finland ee NATO, waxuu yeelan doona, cawaaqib millateri iyo siyaasadeed oo aan la mahadin”. Ruushka ayaa walaac badan ka qaba sii ballaadhashada gaashaan buurta reer galbeedka, isagoo samaynaya waxkasta oo suuragal ah si uu waddamada ku dhow dhow si uu uga joojiyo in ay NATO ku biiraan, waxaana ugu danbeeyay dalka Ukraine oo uu arrintaa darteed dagaal ugu qaaday. Source Share this post Link to post Share on other sites