Sign in to follow this  
Deeq A.

Kuraasta Banaadiriga oo la doortay

Recommended Posts

Deeq A.   
20220225_171923.jpg?resize=720%2C501&ssl

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay 5 kursi ee beelaha Banaadirigu ku leeyihiin Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku soo baxeen xubno cusub.

1. Kursiga Hop#034 oo uu ku fadhiyay Khaalid Macow Cabduqaadir waxaa ku guuleysatay Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi, waxaana kursigaan uu ahaa mid buuq badan ka jiray

2. Kursiga Hop#105 oo ku fadhiyay guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Baarlamaankii 9aad Jeylaani Nuur Iikar, waxaana ku loo doortay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Cadde.

3. Kursiga Hop#266 oo ay ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed waxaa ku guuleystay guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maxamed.

4. Kursiga Hop#084 oo ay ku fadhisay Fahma Axmed Nuur, waxaa ku guuleystay Taliye ku-xigeenkii Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji.

5. Kursigia Hop#265 oo uu ku fadhiyay Lufti Shariif Maxamed  Cumar waxaa ku guuleystay Maxamed Nuur Abuukar.

Waxaa doorashadoodu dhammaatay 62 kursi oo Golaha Shacabka ah oo deegaan doorashadoodu ahayd Muqdisho, kuwaas oo ahaa kuraasta Somaliland iyo Banaadiriga.

PUNTLAND POST

The post Kuraasta Banaadiriga oo la doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this