Deeq A. Posted February 25, 2022 Waxaa saakay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka socda doorashada shan kursi, kuwaas oo ay leeyihiin Beelaha Banaadiriga, kuwaa ku matalaya Baarlmaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ee cusub. Doorashadan ayaa waxaa kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP#266, HOP#105, HOP#034, HOP#265 iyo HOP#084, waxaana dhammaan dadka ku fadhiyey kuraastan ay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ku metalayeen Beelaha Banaadiriga. 1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#265 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Lutfi Shariif Maxamed Cumar 2: Kursiga tirsgiisu yahay HOP#226 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed. 3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#105 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar Sheekh. 4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#034 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Khaalid Macow Cabduqaadi 5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#084 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisey xildhibaan Fahma Axmed Nuur. Doorashada Kuraastaan ayaa waxaa barri oo jimco ah oo taariikhdu tahay 25-ka bisha February 2022-ka oo ah goortii lagu ballamay in la soo gabgabeeyo doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad , walow dib loogu dhigay 18 bisha March. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites