Sign in to follow this  
Deeq A.

Khadiijo Al- Maqsuumi iyo Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir oo xildhibaano noqday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka billaabatay Doorashada kuraasta Banaadiriga oo buuq badan uu hareeyay todobaadyadii lasoo dhaafay, kaddib markii musharixiinta iyo beelaha ay isku qabsadeen kuraasta lagu loolamayo.

Kursigii ugu horreeyay Banaadiriga ee lagu doortay Muqdisho waa HOP#084, waxaa ku guuleystay Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Fahma Axmed Nuur ayaa Banaadiriga ku metashay Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya, kursigaan waxa uu ka baxay diiwaanka, 5 kursi ee Banaadiriga labo kamid ah waa Dumar halka saddexda kale ay yihiin Rag si loo dhammeystiro qoondada Haweenka ee 30% kuraasta Baarlamaanka Federaalka.

Khadiijo Maxamed Al Maqsuumi Danjiraha Sooomaaliya ee Pakistan ayaa ku guuleysatay HOP#034, kurisgaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee Soomaaliya ku fadhiyay Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir.

Cumar Shariif Maxamed (Jeeg), Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamarweyne ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay HOP#266, waxaa Baarlamaanka 10-aad ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.

Culeys ka taagnaa doorashada Kuraasta Banaadiriga ayaa la xaliyey kadib markii la qanciyey odayaashii tabashada qabay taasoo keentay in guddiga doorashada uu fasaxo kuraastaan.

The post Khadiijo Al- Maqsuumi iyo Taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska Gobolka Banaadir oo xildhibaano noqday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this