Deeq A. Posted February 24, 2022 Shil gaari oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacleh ayaa xalay ka dhacay afaafka laga galo magaalada Qardho ee xigta dhinaca caasimadda Garoowe. Laba qof ayaa ku geeriyooday shilka halka ay ku dhaawacmeen laba kale sida uu xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Waddooyinka Puntland Col. Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan). Taliyaha oo hadal kooban siiyay Puntland Post ayaa sheegay in weli baaritaan lagu hayo shilkaas oo ka dhacay wadada laamiga ah. PUNTLAND POST The post Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Qardho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites