Sign in to follow this  
Deeq A.

Boosaaso: Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1645703968081.jpg?resize=720%2C48

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta oo khamiis ah ka dhacay shirkii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Puntland, kaas oo uu shir-guddoomiyay Madaxweyne Deni.

Bayaan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay amniga, doorashada Golaha Shacabka, mashaariicda horumarinta ee ka socda Boosaaso xaaladda abaaraha iyo xaalada Saax-Maygaag iyo Sangejabiye.

“Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada ee Todobaadlaha ah, oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Doorashada Golaha Shacabka JFS, Mashaariicda Horumarinta ee ka socda Boosaaso sida Mashruuca Horumarinta Garoonka Diyaaradaha Boosaaso, Xaaladda Abaaraha iyo Xaalada Saax-Maygaag iyo Sangejabiye” ayaa lagu yiri bayaanka.

Shirka Golaha Wasiirada Puntland ku yeesheen Boosaaso ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay magaalada ka dheceen qaraxyo mid ka mid ah lala eegtay Madaxweyne Deni.

FB_IMG_1645704005991.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1645704011769.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1645704009596.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1645704003199.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1645703982165.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1645703979275.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1645704000791.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1645703976764.jpg?resize=720%2C48 FB_IMG_1645703987977.jpg?resize=720%2C48

PUNTLAND POST

The post Boosaaso: Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this