Deeq A. Posted February 24, 2022 Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegtay in lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo marayey halkaasi. Kadib qaraxa ciidamada ayaa furay rasaas, waxayna xireen dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ah. Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, balse xaaladda goobta qaraxa lagula beegsaday ciidamada ayaa haatan ah mid aad u kacsan. Sidoo kale ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha laamaha ammaanka Soomalaiya ka bixiyeen qaraxaas, waxaana socda baaritaano dheeraad ah. Qaraxan ayaa qayb ka noqonayo falal liddi ku ah amniga oo maalmihii u dambeeyey ka dhacayey gudaha caasimada, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Weeraradan ayaa kusoo aadaya, xilli dalka uu ku jiro xaalad kala guur ah, waxaana weli socota doorashada xubnaha Golaha Shacabka oo haatan gabagabo ku dhow. The post Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites